Yaa Wanaagsan Mohamed Salah Iyo Neymar Junior?

615

Mohamed Salah ayaa si weyn u hilaaciyay waayahiisa kubadda cagta waxeyna keentay in isbarbardhig lagu sameeyo isaga iyo xidigaha ka horeeya maqaam ahaan kubadda cagta.

Da’yarka Liverpool Joe Gomez ayaa la weydiiyay hadii uu ka jawaabi karo farqiga u dhaxeeya Mohamed Salah iyo Neymar Junior, balse xiddiga Reds si xirfadlenimo ah ayuu kaga jawaabay isagoo qirtay iney adag tahay in midkood farta lagu fiiqo.

Salah wuxuu kusoo baxay gooldhaliye cajiib ah isagoo haatan 28-gool ku horkacaya gool-dhalinta horyaalka Premier League, sidoo kalana hogaanka u haya tartanka loogu jiro abaalmarinta kabta dahabka gooldhalinta qaaradda yurub “Golden Shoe”.

Dhamaan tartamada oo dhan wuxuu shabaqa ku shubay 36-gool xilli ciyaareedkaan, taasoo ka dhigeysa inuu 11-gool u jiro rikoorka Ian Rush kaas oo heysta xiddiga hal xilli ciyaareed goolasha ugu badan u dhaliya Liverpool dhamaan tartamada oo dhan.

Dhanka kale Paris Saint Germain xidigeeda wuxuu noqday July 2017 kan ugu qaalisan dunida maadaama uu 222 Malyan oo Euro ku yimid Parc des Princess, bale hadda wuxuu ku sugan yahay wadankiisa Brazil oo uu kaga soo bogsoonayaa qaliin cagta looga sameeyay.