Xildhibaanada Aqalka Sare oo Baajiyey ka doodista Arrinta Qalbi-dhagax

by Abdull | Monday, Sep 11, 2017 | 55 views

Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa maanta lagu waday iney ka doodaan go’aankii Xukuumadda Federaalku ka qaadatay dhiibitaankii Cabdikariin Sheekh Muuse(Qalbi-dhagax) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Jabhada ONLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya.

Fadhigii maanta ayaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano gaaraya 37 mudane,waxaana ay ku kala qeybsameen iney ka doodaan ka hor inta aan gollaha Shacabku go’aan ka gaarin go’aanka Xukuumadda.

Xildhibaan Col. Axmed Xaashi iyo Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaa si weyn ugu Ololeynayey in dooda la galo,waxaana ay ku adkeysteen in laga doodo arrinta Qalbi-dhagax.

Shir-guddoonka ayaa dood cod geliyey ,waxaana codeyntu u dhacday in Aqalka sare aaney ka hadlin ka hor Gollaha shacabka.

21-Xildhibaan ayaa u codeeyey in la sugo go’aanka Aqalka hoose,halka 11-Xildhibaan ay u codeeyeen in dooda la galo,waxaana ka aamusay 5-Xildhibaan.

Waxaana sidaas ku baaqday doodii Aqalka sare ka yeelan lahaayeen arrinta Qalbi-dhagax.

Weli waxaa arrimo farsamo u xiran fadhigii Baarlamaanka Federaalka ,waxaana gacanta la gashay Xukuumadda Kheyre,kadib markii Xildhibaanada Absame ay cabasho u gudbiyeen Madaxweynaha oo uu socdo wadahadal lagu xalinayo ,wax aka dhalan kara go’aankii Xukuumadda.

Like it? Share it!

Leave A Response