WAR DEG DEG AH: Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

by Abdull | Sunday, Mar 19, 2017 | 242 views

Mogdisho March 19 (NugaalPost)

Qarax xoogan ayaa laga maqlay daqiiqado ka hor Saldhiga Degmada Kaaraan Ee Magaalada Muqdisho.

Qarax waxaa dad goob jooga yaal ah ay ku sheegeen in uu ahaa Bamgacmeed saldhiga lagu tuuray.

Ilaa hadda wax faah faahin intaa kabadan lagama hayo, iyadoo kooxda Bamka tuurtayna ay baxsadeen.

Waa dhacdadii labaad oo amaan dari ah oo caawa ka dhacda degmada kaaraan oo ka mid aheyd degmooyinka ugu nabdoon.

Taliska Booliska iyo kan maamulka Degmada kaaraan weli kama aysan hadlin dilka iyo Bamgacmeedka caawa lagu tuuray Saldhiga kaaraan

NugaalPost-Mogdisho

Like it? Share it!

Leave A Response