Waqooyiga Kuuriya oo shaacisay maalinta la daminayo Nukliyeerkeeda

329

Dowladda Waqooyiga Kuuriya ayaa shaacisay waqtiga kama dambeysta ah ee ay damineyso xarunta tijaabada Nukliyeerka ee dalkaas.

Warbaahinta gudaha Dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegeysa in 23 ilaa 25ka Bishan May la daminayo xarunta lagu magacaabo Punggye-ri.

Waxaa sidoo kale meesha laga saarayaa dhismayaasha Cilmi baarista, kuwa kormeerka iyo Xarumaha Ciidanka ee laga ilaaliyo xarunta.

Waqooyiga Kuuriya waxaa ay munaasibadda daminta xarunteeda Nukliyeerka ku casuuntay dalalka Ruushka,China,Mareykanka,UK iyo  Koofurta Kuuriya.

Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un iyo dhiggiisa Mareykanka Donald Trump ayaa 12ka Bisha June ku kulmaya Dalka Singapore halkaas oo ay ku kala saxiixanayaan heshiis rasmi ah.