Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Gaaray Deegaanka Goddad ee gobolka Mudug

by Abdull | Monday, Sep 11, 2017 | 41 views

Madaxweyne ku xigeenka dawlada Puntland mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay ayaa maanta isaga iyo wafdi uu hogaaminayey ay u anba baxeen Barriga gobolka Mudug gaar ahaana deegaanka Godod.

Wafdigan ayaa kulamo Gooni gooni ah la qaatay waxgaradka deegaankaasi iyo sidoo kale ciidamada Amniga ee kusugan deegaankaasi.

Madaxweyne Camay ayaa socdaalkan waxaa ku Weheliyey Gudoomiyaha gobolka Mudug ee labada dhan iyo sidoo kale Gudi ka kooban 36 Xubnood oo shirarkii gobolka Mudug uga socday ee Puntland iyo Galmudug lagu magacaabay.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Xassan Maxamed Khaliif oo lahadlay Warsidaha Puntlandvision.com ayaa sheegay inuu socdo shir looga hadlayo Nabad Galyada deegaanada Puntland iyo Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response