Shir looga hadlayo Abaartii Siima oo ka Furmay Garowe (Sawiro)

by laki man | Wednesday, Sep 13, 2017 | 43 views

Magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan looga hadlayey sidii looga hortagi lahaa Abaaraha soo noq noqday ee inta badan ka dhacday dhulka ay Soomaalidu degto gaar ahaana Puntland.

Shirkaasi ka furmay magaalada Garowe ayaa waxaa furay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Puntland wuxuuna sheegay inay tahay ujeedada shirkaan sidii looga fakari lahaa abaarta soo noqnoqota iyo sidii loogu adkeysan lahaa.

Mashruucan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah Puntland ayaa waxaa maalgalinayey Hay,ada samafal.

Madaxa Mashruuca SomRep Andrew Lanyon oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay inay barakicisay abaartii ku dhufatay deegaanada Puntland 32,000 ilaa 35,000 oo qoys, Sidoo kalena ay baabi,isay 50% xoolihii ay dadku dhaqanjireen dhulka miyiga ah ee deegaanada Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response