Shir looga hadalayey daadajinta Siyaasad oo magaalada Garowe lagu qabtay.

by Abdull | Tuesday, Sep 26, 2017 | 20 views

Magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland ayaa lagu qabtay kulan looga tashanayey sidii loo hormarin lahaa mashariicda dhismayaasha wadooyinka ee GPLG qaybta ka ah.

Shirkan oo ahaa mid wadda tashi ah oo looga arinsanayey siyaasad dajinta maamulka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socotay hay,ada wadooyinka Puntland iyo hay,ada Shaqaalaha Aduunka ee ILo iyo masuuliyiin kale.

masuuliyiintii ka hadlay kulankaasi ayaa soo jeediyey inay muhiimadu tahay sidii loo aqoonsan lahaa baahiyaha gaarka ah ee xiligan ay Puntland u baahantahay in laga hormariyo.

Sidoo kale kulankaasi intii uu socday masuuliyiintii ka hadlay waxay soo jeediyeen inay Bar-barsocoto shirkan arimo kale oo la xiriira daadajinta siyaada dawlada iyo sidoo kale arimaha dawlada hoose sidii loo gaarsiin lahaa guud ahaan dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response