Shabaab oo toogtay Oday 82 sano jir ah

by Abdull | Monday, Mar 20, 2017 | 154 views

Shabaab ayaa galabta xukun dil ah ku fuliyay Oday 82 jir ahaa, ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu ka mid ahaa Ergadii xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku soo dooratay Degaanada koonfur Galbeed.

Maxkamadda Shabaab ee Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa xukun dil ah ku riday odaygan oo lagu magacaabi jiray Cismaan Diini Cali.

Qaadiga Maxkamadda Shabaab, ayaa sheegay in Cismaan Diini Cali uu soo xalay Xildhibaano ay ka mid tahay Haweeney uu magaceeda ku soo koobay Muna, oo sida uu sheegay ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Cismaan Diini Cali, ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta lagu toogtay Fagaaraha Degmada Awdheegle, iyadoo ay Fagaaraha isugu soo baxeen boqolaal ka mid ah dadka degaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response