Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulanka Addis Ababa ku dhexmaray R/W Abiy & Soomaalida Ethiopia?

257

Waxaa soo idlaaday kulankii u dhexeeyay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed iyo hoggaanka Siyaasada dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia kaa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa waxgarad laga soo kala xulay dhammaan deegaanada ay ku sugan yihiin Soomaalida kuwaa oo waxbadan is weydaarsaden Ra’isul wasaaraha.

Waxaa madasha kulanka ku sugnaa Madaxweynaha cusub ee DDSI oo maalin un ka hor la doortay, iyadoo si wada jira looga wada hadlay sidii xal dhameystiran looga gaari lahaa rabshadihii ka dhacay dowlad deegaanka soomaalida Ethiopia.

Ra’isul wasaare Abiy ayaa dhinacyada uu la kulmay ka dalbaday inay u hogaansamaan awaamiirta dowlada iyo kan maamulka, waxa uuna ugu baaqay inay la imaadan qorshooyin ka duwan kan iminka laga soo gudbay.

Waxa uu Abiy Axmed u sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay in si wanaagsan ay ula shaqeyso maamulka, hase yeeshee dhanka dadka deegaanka laga doonaayo inay muujiyaan jilicsanaan.

Abiy Axmed waxa uu Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kale ka dalbaday saddex qodob oo kala ah in Sharciga lagu dhaqmo,dadku inay dulqaad yeeshaan iyo in Cadaalad la sameeyo.

Sidoo kale, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ayaa dhankooda Ra’isul wasaare Abiy ka dalbaday in mar walba ay helaan cadaalad iyo sinaanta maamulka.

Waxa ay sidoo kale ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno dad ku lug lahaa tacadiyo ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo lagu waayay naf iyo maalba.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo dhinacyada kulanka qeybta ka ahaa ayaa isla fahmay in si wada jira leysaga kaashto Nabada, Hormarka iyo u hogaansamida amarada maamulka iyo dowlada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA