Salmaan Khaan oo lagu xukumay 5 Sano oo xabsi ah

249

Jilaaga Bollywood-ka Dalka Hindiya Salmaan Khan ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah kaddib markii lagu helay dambi ah in uu dilay Deero sanadkii 1998dii.

Maxkamadda Magaalada Jodhpur ayaa Salmaan Khan ku xukuntay shan sano oo xabsi ah iyo $154 doollar oo Ganaax ah.

Salmaan ayaa toogtay Labo xabbo oo Deero ah isaga oo Filim ku duubayay Gobolka Rajasthan ee galbeedka Dalka Hindiya.

4 jilaa kale oo markii uu falkaas geysanayay la jilayay Filimka ayaa dambi lagu waayay waana la siidaayay,Khan waxaa uu qaadan karaa Racfaan,kaliyana waxaa uu ka qaadan karaa Maxkamadda sare.

2006dii ayaa sidan oo kale Maxkamadda Gobolka Rajasthan,Salmaan Khaan ugu xukuntay shan Snao oo Xabsi ah isaga oo lagu helay fal dambiyeed la mid ah midka hadda lagu xukumay,hayeeshee Maxkamadda sare ee Gobolka ayaa laashay xukunkaas.

Sidoo kale 2016kii ayaa lagu waayay wax dambi ah waana la iska fasaxay iyada oo hadda mar kale dacwad lagu soo oogay sidaasna loogu xukumay Shan Sano oo Xabsi ah.

2015kii ayaa lagu waayay dambi kaddib markii lagu eedeeyay in uu dilay Nin darbi jiif ah,afar kalena dhaawacay kaddibna isaga baxday goobta.