Ra’iisul Wasaare Khayre oo xalay Washington kula kulmay Madaxda Bangiga Adduunka

by Abdull | Tuesday, Sep 26, 2017 | 21 views

September 26 (NP)—Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre  ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay Sarkaalka ugu Sarreeyo Fulinta Bangiga Adduunka, iyagoo ka wada hadlay sidii bangiga Adduunku u taageeri lahaa horumarinta dalka iyo dowladda Soomaaliya oo xiligan ka soo kabaneysa colaadaha mudada dheer ka jirey.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ms. Kristalina Georgieva ayaa ka wada hadlay sidii loo soo noolayn lahaa hanaankii Bangi ee dalka Soomaaliya uu lahaan jiray iska markaana loo fududeyn lahaa sidii uu xiriir ula sameyn lahaa bangiyada kale ee caalamka, arrimaha kale ee kulanka looga hadlay waxaa kamid ahaa sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhinac walba.

“Bangiga Adduunka waxaa ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan. Soomaaliya waxay ku taagantahay waddadii horumarka, anaguna waxaan hubnaa in dadka Soomaaliyeed ay u istaagi doonaan inay ka hortagaan caqabadaha weli dalkooda ka hortaagan horumarka”ayay tiri Ms. Kristalina Georgieva.

Kulankani ka dhacay xarunta Bangiga adduunku uu ku leeyahay Magaalada Washington ayaa qeyb ka noqonaya dadaalka ay dawladdu ugu jirto soo nooleynta xiriirkii Bangiyada caalamka. Iyadoo xiligani ay dawladdu ku howlan tahay.

Like it? Share it!

Leave A Response