Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Jowhar

by Abdull | Monday, Mar 20, 2017 | 130 views

Bam gacmeed ayaa lagu Weeraray xalay fiidkii hooyga Magaalada Jowhar uu ka degan yahay Nabadoon Sheekh Muuse oo ka mid ah Odayaasha sida weyn looga yaqaan Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Qaraxaasi bam gacmeedka ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah illaalada Nabadoonka, halka sidoo kale dhaawac uu soo gaaray ruux kale oo ka tirsan illaalada Nabadoonka.

Nabadoon Sheekh Muuse ayaa ka mid ah Odayaasha wax ka dhisay maamulka Hirshabelle ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Jowhar.
Ciidamada ammaanka Magaalada Jowha oo tagay goobtii ay wax ka dhaceen, ayaa sameeyay hawlgal aanan natiijo ka soo bixin.

Qaraxyada bambada ee gacanta laga tuuro ayaa si aad ah ugu soo badanaya Magaalada Jowhar, iyadoo maalmo ka hor ay aheyd markii xarunta Madaxtooyadda Hirshabelle lagu tuuray bam gacmeed.

Like it? Share it!

Leave A Response