Madaxweyne Waare “Beladweyne waxaa ka barakacay Qoysas kabadan 150,000”

383

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa ku baaqay in Dadka ku dhibaataysan daafaha magaalada Baladweyen loo sameeyo gurmad ballaaran, kuwaas oo ka barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle uu sameeyay.

Madaxweyne Waare oo isaga oo ku sugan magaalada Baladweyne la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay magaalada ka barakaceen Dad gaaraya 150,000 Oo Qof, kuwaasoo ay dhibaatooyin kala geddisan ku haystaan halka ay u qaxeen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dadka ka barakacaya fatahaada Webigu ay kor u sii kordheysa maalimba maalinta ka dambaysa.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayn Dowladda dhexe, hay’adaha samafalka, Ganacsatada, Bulshada qaybaheeda wax haysata iyo qurba joogtaba ugu baaqay inay Gacan weyn ka geystaan samata bixinta Dadka ku tabaalaysan daafaha Magaalada B/weyne.