Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo xilka ka qaaday wasiir dowlihii madaxtooyada iyo Xirirka Gobalada

by Abdull | Wednesday, Sep 13, 2017 | 74 views

Madaxweyne ku xigeenka dawlada Puntland mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar camay ayaa xilkii ka qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.

Xilka Qaadista Wasiirdawlaha ayaa timid kadib markii la sheegay inuu Taageeray Go,aanka Qalbi dhagax oo dhawaan dawlada Soomaaliya ay u gacan galisay dawlada Itoobiya.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Habdhaqan lidka ku ah Hannaanka Dawladnimo.

Markuu Garawsaday: Mas’uuliyad darrada uu ku kacay.

Wuxuu Xeeriyey:

Wuxuu xilkii ka qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.
Xeerkani Wuxuu dhaqan-gelayaa Markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweyne Ku-xigeenku.

Like it? Share it!

Leave A Response