Madaxweyne Axmed Madoobe oo sheegay inuu gogol nabadeed u dhigayo maamul goboleedyada iyo Dawlada Dhexe

by Abdull | Tuesday, Sep 26, 2017 | 18 views

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa sheegay inay magaalada Kismaayo gogol Nabadeed oo wadda hadal ah ay u dhigeen maamul goboleedyada iyo dawlada dhexe Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay arintan inay timid kadib markii khilaaf xoogle soo kala dhexgalay maamul goboleedyada dalka iyo dawlada dhexe taas oo ka dhalatay kadib markii maamul goboleedyadu ay la safteen khaliijka halka dawlada Soomaaliya ay sheegtay inay arimaha khaliijka ay dhex dhex dhexaad ka qaadatay.

Hadalka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan Axmed ( Madoobe ), ayaa kusoo aadaya xili ay maamulkiisa iyo kan Hirshabelle mooyee inta kale ay la safteen Sucuudiga.

Like it? Share it!

Leave A Response