Madaxwayne Farmaajo oo ku wajahan dalka kenya

by Abdull | Monday, Mar 20, 2017 | 99 views

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu dhawaan ku tagi doono Magaalada Noirobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Khamiista tagi doono Kenya si uu uga qeyb galo Shirka looga hadlaayo Qaxootiga ee ay yeelan doonaan Madaxda Urur goboleedka IGAD.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda Urur goboleedka IGAD.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Booqashadii ugu horaysay ku tagay dalka Sacuudiga tan iyo markii la doortay 8-dii Bishii February

 

Like it? Share it!