Kulamada Maanta la ciyaarayo Yurub iyo saacdaha ay soo galayaan…(Arsenal vs Manchester City)

577

Arsenal ayaa maanta soo dhaweyn doonta Manchester City kulan ka tirsan Premier League iyadoona maanka ku heysa inay ka aargudato guul daradii dhaweyd ay kala kulantay Final kii Carabao Cup.

Kulanka Caawa ee kooxda Guardiola iyo Arsene Wenger ayaa sidoo kale khatar ugu jira inuu baaqdo maadaama baraf xoogan uu da’ayo, laakiin weli ma jiraan wax war ah oo laga soo saaray.

Barcelona oo iyana ka carareysa Atletico Madrid oo xalay afar gool ku soo adkaatay ayaa u safreysa Las Palmas, waxayna ka war hayaan guul darro ka soo gaarta halkaa ay khatar galin karto hogaankeeda maadaama isla kulanka xiga ay wajihi doonaan Atletico oo qaab ciyaareed fiican ku jirta.

Haddaba Aqriso kulamada la ciyaarayo Maanta iyo Saacadaha ay soo galayaan:

PEREMIER LEAGUE:

10:45 Habeenimo: Arsenal vs Manchester City

LA LIGA:

9:30 Habeenimo: Real Betis ? – ? Real Sociedad

11:00 Habeenimo: Las Palmas ? – ? Barcelona

11:30  Habeenimo: Alaves ? – ? Levante