Jaamac Kabaweyne oo diiday xil looga magacaabay Gobolka Hiiraan

252

Jaamac Faarax Kabaweyne ayaa diiday xilka Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolka Hiiraan oo uu xilkaas dhawaan u magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Xilka loo magacaabay Kabaweyne ee uu diiday waxaa todobaad ka hor iska casilay Xuseen Cismaan Muumin Garbooy,kaas oo ay isku heyb yihiin Kabaweyne.

Kabaweyne ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal waxaa uu ku sheegay in wareegtada ka soo baxday Wasiirka arrimaha gudaha ee lagu magacaabay uusan ka warqabin oo aan lagala tashan sidoo kalena Nin ay isku heyb yihiin uu todobaad ka hor xilkaas iska casilay.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku loollamaya Beelo iyada oo ay dhowr jeer sidan oo kale buuq uga dhashay magacaabis uu sameeyay wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle.

Dhacdadii ugu dambeysay waxaa ay ahayd tii lagu beddelay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan kaas oo xilka qaadistiisii kaddib diiday in uu xilka wareejiyo,waaxaana wali Beledweyne ka jira buuq la xiriira arrintaas.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa muddo labo todobaad ah ku sugan Beledweyne waxaana uu xal ugu jiraa sidii beelaha Gobolka uu ugu qancin lahaa xilalka uu magacaabay Wasiir Caadle.

https://i3.wp.com/www.jowhar.com/wp-content/uploads/2018/04/