Guddiga gurmadka fatahaadaha Golaha Aqalka Sare oo maanta ka kulmaya howlaha horyaalla

316

Guddigaan ayay Golaha Aqalka sare sheegeen in ay u xilsaareen sidii ay ula shaqeyn lahaayeen guddiyo kala duwan oo loo xilsaaray gar-gaar u raadinta iyo samatabixinta dadka ay waxyeeleen Fatahaadaha Wabiga iyo daadadka roobabka ka dhashay.

Xubnaha ayaa kulankooda ku qorsheyn doono halka ay wax ka bilaabayaan iyo sidii ay ku gaari lahaayeen Deegaanada ay ku fataheen Wabiyada Jubba iyo Shabeellle.

Golaha Aqalka sare ayaa ka sugaya Jawaabta waxyaabaha ugu soo baxo qiimeynta Deegaanada ay tagaan iyo ballanqaadyada Dhaqaalaha ay helaan.

Sidoo kale waxa ay Golaha Aqalka sare ka qaadayaan Lacago Senetarada laga dhex uruurinayo si loogu bilaalo dhaqaalaha ay u uruurinayan dadka dhibaateysan.

Senetar Siciid Xasan Cismaan oo kamid ah Guddiga oo Mustaqbal la hadashay ayaa sheegtay in guddigooda ay maanta kulmayaan, rajo wanaagsanna ay ka qabaan in ay kasoo baxaan howlaha loo xilsaaray.

Waxa ay intaa ku dartay in guud ahaan Dadka Soomaaliyeed iyo qof waliba oo ka qeyb qaadan kara u gurmashada dadkaan in ay ka gacan geystaan, guddigoodana ay la howlgali doonaan guddiyada kale ee loo xilsaaray.