Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ee Duleedka Muqdisho

267

Waxaa faah faahino dheerad ah ay ka soo baxayaan dagaal xalay ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee  AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid kadib Markii Al-Shabaab ay weerar madaafiic ku bilaawday ay ku soo qaadeen Fariisin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin XaafadaArbacoow ee deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho

Dadka deegaanka qaarkood oo aan la hadalnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaas ka dhashay wallow aysan cadeyn Karin maadaama xiili habeen ah ay aheyd.

Saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya dhankooda weli wax faah faahin ah kama bixin dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay.

Xaafada lagu Magacaabo Arbacoow ee deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa tiro dhowr jeer waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab oo soo weeraray.