DEG DEG:- Fanaanada Khadiijo Cabdullaahi Daleys Oo Geeriyootay

375

Waxaa dalka Kanada ku geeriyootay Allaha u Naxariistee Fanaanadii Khadiijo Cabdullahi Daleys oo ka mid aheyd Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Sanadihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Dibadiisa.

Fanaanada ayaa ku xanuunsaneysay dalka Kanada taas oo ugu dambeyn ay ku geeriyootay sida ay xaqiijiyeen eheladeeda

Fanaanada ayaa Allaha u naxariistee waxa ay ka mid aheyd fanaaniinta ugu facaweyn fanka Soomaaliya iyada oo lagu xasuusto ka qeyb qaadashada Riwaayado farabadan iyo heeso ay qaado sida heesta

 Muruqiina maalodhulka miro ku beera

Macdanta, dahabka

Muujiya wanaagaay.

Fanaaniinta Somaliyed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Khadiija Daleys oo haldoorka Fanka Somaliyed ka mid aheyd