Dallada PUNSAA oo ka hadashay amarkii ay Puntland ku mamnuucday qabashada Shirarka Siyaasadeed

by Abdull | Tuesday, Sep 12, 2017 | 75 views

Dallada Ururada Rayidka ah ee Puntland ku mideysan yihiin ee PUNSAA ayaa walaac ka muujisay warqad kasoo baxday Wasaaradda Amniga Puntland taasoo lagu mamnuucayay in shirar siyaasadeed aan lagu qabin karin hoteeladda iyo goobaha kale ee la isugu yimaado ee goboladda Puntland.

Dallada PUNSAA ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay in dowladda Puntland ku dhisan tahay mabaadii’da Dimoqraadiyadda sida ku cad qodobada 3aad ee Dastuurka Puntland.

Sidoo kale Dallada ayaa sheegtay in aysan raali ka ahayn in la qabto wax shirar ah oo lagu khalkhal gelinayo amniga Puntland ,xasiloonida iyo jiritaanka guud ee Puntland.

Dallada PUNSAA ayaa ku talisay qodobadan hoose

Dowladda Puntland inaanay hor istaagin shirarka siyasadeed ee looga hadlayo Masiirka dadlak iyo dadka.

Dawladdu waa in ay tixgeliso xoriyada fikirka sida uu qorayo qodobada 14aad ee dastuurka Puntland.
Siyaasiyiintu waa inay furtaan xisbiyo siyaasadeed oo ay ku cabbiraan aragtiyahooda siyaasadeed kuna hormariyaan qorshayaashoda.

Siyaasiyiintu waa inay ka fogaadaan qabshada shirar khalkhal gelin kara amniga iyo xasiloonida dalka

Like it? Share it!

Leave A Response