Dad Gaajo ugu geeriyooday Jubbaland

by Abdull | Monday, Mar 20, 2017 | 146 views

Guddiga Gurmadka Abaaraha Jubbaland ayaa sheegay in Gobollada Jubbada Dhexe iyo Gedo ay ugu geeriyoodeen ku dhawaad 30 qof Abaarta iyo macluusha halkaasi ka jirta

Degaannada laga sheegayo Abaaraha daran oo ay dadka ugu geeriyoodeen macluusha ayaa waxaa ka mid ah Salagle, Saakow, Bu’aale Garbahaarey iyo deegaano kale oo ka wada tirsan Jubbaland.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in 36-kii saac ee ugu dambeysay Jubbaland ay 26-qof ku geeriyoodeen Degaannada hoos taga, wuxuuna ku baaqay in Gurmad ballaaran loo sameeyo dadka ku nool deegaanadaasi.
Magaalada Kismaayo ayaa muddooyinkani waxaa si weyn uga socday abaabul loogu Gurmanayo dadka ay Abaaraha saameeyeen, kuwaas oo ay iska kaashanayaan qeybaha bulshada iyo Maamulka Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response