CXD oo Burburiyay Saldhigyo ay Al-shabaab Ku Lahaayeen Duleedka Kismaayo+Sawirro

341

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Jubbaland iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa Al-shabaab kala wareegay degaanka baarsanguuni oo Magaalada kismaayo u jira 50km,halkaasi oo qasaarooyin loogu geystay Alshabaab.

In kabadan 25 kamid ah Saraakiisha iyo Ciidamadda  Alshabaab ayaa lagu soo waramaya in lagu dilay howlgalkaasi qorsheysnaa,sida ay heegeen saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee hoggaaminaysay howlgalkaasi.

Taliyaha qeybta 43Aad ee ciidanka Xoogga dalka Janaraal Ismaciil saxardiid oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in lagu guuleestay howlgalkii ka socday nawaaxiga baarsanguuni,isagoona tilmaamay in howlgalka ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxiibada Caalamiga ah.

“Ciidamada xoogga dalka oo taagero ka helayo ciidamo mareykan ah ayaa ku guuleestay xureynta degaanka baarsanguuni waxaana degaanka laga weeraray labo jiho oo ciidamada ku qabsadeen degaanka sidoo kale waxaan la wareegnay hub iyo saanad ciidan oo ay lahayeen Al-shabaab’’ayuu yiri Saxardiid.

Sidoo kale Janaraal Saxardiid waxa uu xusay in howlgalka ay ciidamada ay kusoo qabteen ku dhawaad 35 ka tirsan Al-shabaab.

 

 

 *