Ciyaartoyda Arsenal oo qabsaday shir gaar ah oo looga yeerin Arsene Wenger….(Maxaa looga hadlay

537

Xiddigaha Arsenal ayaa qabsaday kulan uu ka maqan yahay tababare Arsene Wenger kaddib guul daradii foosha xumeyd ee ka soo gaartay Manchester City oo 3-0 ugu qubeysan Finalkii Carabao Cup.

Shalay ayay ahayd markii la wariyay in Wenger uu labo maalmood kulan gaar ah la yeeshay Maamulka sare ee kooxda ka hor inta uusan ciyaartoyda iyo shaqaalaha kale u sheegin inuu isbadel xoogan ku sameyn doono haddii aysan Champions League u soo bixin kal ciyaareedka soo socda.

Iminkana Kabtanka kooxda ee Per Mertesacker, ayaa kulan u qabtay ciyaartoyda oo uu ka maqan yahay tababare Arsene Wenger.

 Arsenal's players reportedly held a meeting to discuss their poor cup final performance

Waxaa kulanka looga hadlay sidii wax looga badeli lahaa qaab ciyaareedka liita iyagoona mid mid isugu dhaleeceeyay bandhigyadooda iyo hab dhaqankooda.

Mertesacker ayaa u sheegay dhammaan inay u ciyaarayaan sidii loo bad baadin lahaa shaqada Wenger. Kuwa kale ayaana dalbaday in la dhabar adeego maadaama ay isku diyaarinayaan saddexda bilood ee ugu muhiimsan 21-kii sano uu macallinka reer France xilka u hayay Gunners.

Mertesacker, oo noqon doona tababaraha Akaadamiyada Arsenal marka uu dhammaado xilli ciyaareedka ayaa kulanka ka sheegay inay meel iska dhigaan waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin loona soo wada jeesto sidii wax looga badeli lahaa habacsanaanta ay ku jiraan iminka.