Booliska Somaliland oo gacanta ku soo dhigay koox burcad ah

246

Ciidamada ammaanka magaalada Hargeysa ayaa gacanta ku soo dhigay koox burcad ah oo gawaarida dhacda, kuwaa oo muddo aan yareyn falal dhac ah ka waday deegaanada Somaliland.

Taliyaha Booliska Somaliland Cabdullahi Fadal Iimaan ayaa warbaahinta u sheegay in kooxdan ay gacanta kusoo dhigeen. Burcaddan ayuu taliyuhu sheegay in gawaarida ay la baxsadaan ay durbadiiba furfuraan, oo gabal gabal ay u isticmaalaan baabuurta ay hadba dhacaan.

Kooxdan ayaa si weyn waxaa looga hadal hayay deegaanada Somaliland muddooyinkii danbe, iyada oo dadku ay la amakaagsaayeen qaabka la yaabka leh ee ay wax udhacaan.