Scroll to Top

Nugaal Post

Nugaal News website


Siciid Cali

This user hasn't shared any profile information

Kulan xasaasi ahaa oo shalay ay Cadado ku yeesheen Xildhibaanada Galmudug ayaa waxay isku raaceen in 10 bisha soo socota ee Apriil,ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug,balse waxaa jira in Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug ay kulankaas qaarkood ka maqnaayen. Hoggaanka ugu sareeya Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa baaq u diray Xildhibaanada Baarlamanka...

Xalay ayaa la sheegay Kooxo hubaysan inay dileen Jaamac Cabdi oo ka mid ahaa dadka ku nool Magaalada Laascaanood. Sidoo kale dabley hubaysan ayaa isla Magaalada Laascaanood, waxa ay ku dileen nin magaciisa lagu sheegay C/xakiin Ducaale, waxaana goobtaasi ka baxsaday raggii dilka gaystay. Illaa hadda ma cada sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilalkan qorsheysan ee ka dhacay...

Hay’adda arimaha xaquuqul aadanaha u dooda ee lagu magacaabo Human Rights ayaa si weyn uga hadashay Xasuuqii Qaxootiga Soomaaliyeed loogu geystay dalka Yemen. Hay’adda ayaa Farta ku fiiqday Isbaheysiga uu Sucuudiga hogaamiyo oo ay sheegtay in ay u muuqato in ay dambeeyeen Weerarkaasi lagu dilay 42 qof oo Soomaali ah xeebaha dalka Yemen ka dib markii dooni ay saarnaayeen...

Taliyaha Taliska Maraykanka Africa ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in la siiyo awood dheeraad ah si ay dagaal toos ah ugu qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalama Soomaaliya. Thomas Waldhauser ayaa ugu sheegay suxufiyiinta Pentagon in ay qaadi dooni doonaan howlgal ay si gaar ah u fuliyaan iyo sidoo kale kuwo ay kala kaashadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed...

Koox Burcad-badeed  ah ayaa dooni laga leeyahay Yemen , waxa ay ku Afduubteen Xeebaha degmada  Eyl gobolka Nugaal sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in Kooxda Burcada ah  ay Afduubteen doonidaasi. Sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen Ciidanka Booliska Puntland in doonida ay Saarnaayeen 10 qof. Degmada Eyl ee gobolka...

Shirka Madaxda Urur Goboleedka (IGAD) ayaa maanta ka furmaya Magaalada Noirobi ee Caasimadda dalka Kenya, kaasi oo horey loogu balansanaa. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo), Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madax ka socota dalalka ku jira Urur Goboleedka (IGAD) iyo xubnaha Deeq bixiyeyaasha caalamka. Waxaa diirada lagu...

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Labada Madaxweyne ayaa salaan ka qaatay cutubta ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ee Kenya, waxaana loo garaacay Astaanta Qaranka ee Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo...

QM ayaa sheegtay in aysan wada helin Codsigii Kaalmadda ee dhamaa 864 million ee Dollar ee loo adeegsan lahaa Hawlaha Samafalka ee Macluusha iyo Abaaraha ka jira Soomaaliya ay ka heleen oo keliya 31%. Ku-xigeenka Afhayeenka QM, Farhan Xaq oo Suxuifiyiinta kula hadlay Xarunta QM ee magaalladda New York ayaa sheegay inay Xaalladda Aadminimo ee Soomaaliya sii xumanaayso,...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay Dacwad ciqaabeedkii loo heystay Labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwaasi oo lagu kala magacaabo C/laahi Xasan Maxamed iyo Daahir Maxamed Maxamuud. Labadan Askari ayaa lagu soo eedeeyay in ay weerar ku qaadeen saldhigga Booliska Degamada Howladaag ee Gobolka Banaadir halkaasi...

Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe, waxa ay weerar abaabulan ku qaadeen Saldhigyo ciidamada Millitariga ku leeyihiin Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose. Shabaabka weerarka soo qaaday ayaa soo maray dhanka Xeebta Degmada Baraawe, waxayna beegsadeen Saldhigyada ciidamada Millitariga ku leeyihiin isla Xeebta Degmada Baraawe, halkaasi oo dagaal xoogan uu ka dhacay. Gudoomiyaha...