Antoine Griezmann oo laba kulan oo kaliya uga sara maray Cristiano Ronaldo

532

Weerar yahanka Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa xalay ka saramaray Cristiano Ronaldo tartanka gool dhalinta horyaalka Spain.

Antoine Griezmann ayaa xalay dhaliyay 4-leey markiisii ugu horaysay intii uu u ciyaarayay Atletico Madrid, wuxuuna ka caawiyay kooxdiisu inay ku adkaato 4-0.

Laba kulan ka hor, Antoine Griezmann ayaa lahaa kaliya 8-gool, balse laba kulan gudahood ayuu ku dhaliyay 7-gool taas oo ka dhigtay in haatan uu leeyahay 15-gool isaga oo ka saramaray Ronaldo oo leh 14-gool.

Ronaldo ayaa ka maqnaa kooxdiisa kulankii habeen hore looga adkaaday 1-0, taas oo keentay in Griezmann uu ka saramaro.

Lionel Messi ayaa 22-gool ku hogaaminaya gool dhalinta horyaalka Spain, waxaana ku soo xiga Luis Suarez oo isna dhaliyay 20 gool.